Wednesday, June 25, 2025

Shirkii maamul u samaynta Hiiraan & Sh/dhexe ka furmaya Magaalada Jowhar

Waxaa magaalada Jowhar ka socda qabanqaabo lagu doonayo in dib loo furo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo hakad ku jiray muddo laba bilood ah khilaaf ka dhashay qaabka awood qeybsiga ergooyinka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  xukuumadda Soomaaliya  C/raxmaan Maxamed  Odowaa ayaa Khamiistii laga soo xigtay in shirka Jowhar dib u furmi doono wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ah shir odayuaasha labada gobol yeelanayaan.

Odayaasha kasoo kala jeeda labada gobol ayaa ku sugan magaalada Jowhar, inkastoo ay ka maqan yihiin qaar ka mida odayaasha Hiiraan oo qaadacsan iyo odayaal ka tirsan Shabeelaha Dhexe oo iyaguna diidan qaabka shirka loo wado.

Waddiyo  kala duwan oo odayaal iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka ayaa ku sii jeeda magaalada Jowhar, waxaana doorka Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu soo koobay fududeyn, iyadoo odayaasha laga ballan qaaday inay awoodda shirka iyagu yeelanayaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON