Sunday, July 6, 2025

Shirkii maamul u sameynta Hiiraan & Sh/dhexe oo dib uga furmaya Magaalada Jowhar

Qabanqabaadii ugu danbeysay ayaa ka socota magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo lag u wado in dib loo furo shirka maamul u sameynta labada gobol oo muddo sanad ah soo jiitamayay.

Ciidamada AMISOM ee Jowhar iyo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlawe oo dhowaan shir ku yeesahay magaalada Jowhar ayaa ka wadahadlay arrimaha ammmaanka shirka.

Ergooyin kala duwan ayaa ku sugan magaalada Jowhar oo ka socda gobolka Hiiraan, waxaana dadaal loogu jiraa in magaalada ay tagaan ergada Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shirar beelaha Abgaal iyo Xawaadle uga socday magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayay sida labadaas beelood uga heshiin karaan xurguf dhinaca dhaqanka ah oo dhex taalla.

Dowladda Soomaaliya iyo IGAD ayaa doonaya in maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe degdeg lagu dhiso inta aanay dhicin doorashada soo socota.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON