Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkii maamul u samaynta gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan uu magaalada Jawhar ka furmi doono Sabtida ee 3-da Bisha September 2016.
Shirka oo maamulkiisa ay la wareegtay IGAD ayaa waxa ka hadlay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo sheegay in shirku dib u furmi doono.
Urur goboleedka IGAD ayaa dhinaca kale ugu baaqay ergooyinka shirkaasi ka qayb galaya inay ka soo xaadiraan magaalada Jowhar, .
Shir jaraa’id oo arrintan looga dhawaaqay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku qabtay maanta Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Ergeyga gaar ka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey.
Lama oga in xal loo helay gadoodkii qaar ka mida ugaasyada Hiiraan ee uu horkacayo Ugaas Xasan, laakiin waxaa muuqata in IGAD ay ka go’an tahay dhismaha maamulkan ka hor inta aan la guda gelin doorashooyinka 2016.
Goobjooge.com