Shirkii Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida oo lagu balansanaa inuu magaalada Muqdisho ka furmo 15-kii Bishan
sida lagu go’aamiyay shirkii Baydhaba ayaa qabsoomi waayay iyadoo xaalad cusub ay ku soo korortay Doorashada la filayay inay dalka ka dhacdo aakhirka sanadkan 2016.
Akhriso: Jadwalka Doorashada Soomaaliya 2016 [Labada Aqal ee Baarlamanka & Madaxweynaha]
Xiligii uu qabsoomi lahaa shirka Madasha oo noqon lahaa kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh u dhoofay magaalad Kigali ee dalka Rwanda oo uu kaga soo qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika, kadibna ma jirin qorshe kale lagu qabanayo.
Doorashada sanadkan ayaa la sheegay inay dib u dhici doonto, taasoo ay si hoose isula meel dhigeen madaxda Madasha Qaran, balse aan la shaacin weli, waxayna arrintan ka dambeysay iyadoo aanay fari ka qodneyn howlaha hor yaala doorashada.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud wuxuu qabaa in bilooyin dib u dhac ah jiri doono, ayna arrintan si ku talagal ah ku sameeyeen, mas’uuliyadeedana ay qaadayaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada oo la wareegay awoodii Baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan ansaxsaday inuu sii jiri doono ilaa baarlamaan kale oo bedela laga soo dooranayo, taasoo muujineysa in dowladda hadda jirta ay isu diyaarisay inay sii jirto ilaa horaanta sanadka 2017.
Goobjooge.com