Wednesday, March 4, 2026

Shirkii Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Garowe. (Sawirro)

Waxaa Magalada Garoowe ee Xarunta Puntland ka furmay Shirka gaarka ah ee Wada-tashiga madaxda Dawladda Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay shirka, waxaana ku sugan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo Madaxda Maamul goboleedyada, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland, Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolkan Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin xalinta khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada, arrimaha Siyaasada , Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka.

Shirkan oo noqonaya kii ugu adkaa oo ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayaa la filayaa inuu noqdo mid adag oo muddo qaadan doona.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON