Wednesday, June 25, 2025

Shirkii wadatashiga Doorashooyinka dalka oo ka furay Magaalada Muqdisho

nfs2

Shirka wadatashiga hiigsiga cusub iyo hannaanka doorasho looga qaban karo dalka sanadka 2016 ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb  galayaan madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamulada dalka ka jira, wakiila beesha caalamka, ururada Bulshada iyo xildhibaano.

Waxaa shirka furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in maanta ay madaxda dalka ka shirayaan danahooda qaran, ayna ku shirayaan dalkooda oo ay ku hadlayaan afkooda, wuxuuna intaasi ku daray in go’aan loo dhan yahay laga qaadnaayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa kaloo shirka ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cumar C/rashiid iyo  mas’uuliyiin kale.

Waxaa shirka horyaala qodobo ay ugu muhiiman yihiin;

  1. Qaabka doorasho lagu gaarsiinayo dalka 2016.
  2. Dastuurka iyo dib u eegistiisa
  3. Iyo sharciyeynta maamulada dalka ka jira

nfs1

nfs3

nfs4

 

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON