Monday, June 23, 2025

Shirkii wadatashiga Hiigsiga cusub ee Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho

7Shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee labadii maalmood ee ugu danbeysay ka socday magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd la soo  gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray qodob ka soo baxay shirka oo ay isla qaateen madaxda Soomaalida iyo wakiiladii kala duwanaa ee maamulada dalka iyo bulshada rayidka ah.

Waxaa shirka laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 10 Qodob oo ay ku heshiiyeen dhammaan dhinacyada ka qeybgalay shirka. Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya  C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa war-murtiyeedka shirka u akhriyay saxaafadda.

Ka qeybgalayaasga Madasha wadatashiga Qaran waxay isku raaceen habraaca howl fulineed oo tilmaamaya hanaanka uu wadatashiga u dhacayo iyo soo jeedimaha kala duwan ee doorashooyinka ku dhici karaan sanadka 2016.

Ad

Waxay kaloo ergada waxay isku raaceen in la qaban karo doorasho dadban, taasoo ah wixii ka baxsan hal qof iyo hal cod.

Ergada waxay  isku raacday in loo baahan yahay in wadatashi dheeri ah oo qeybaha kala duwan ee bulshada lala yeesho sida dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanada, ganacsatada iyo dadka laga tirada badan yahay.

Shirarka wadatashiga ayaa la isku raacay inay ka dhacaan deegaanada maamul goboleedyada, waxaana la soo jeediyay inay ka qeyb galaan beelaha ka soo jeeda Somaliland.

- Advertisement -

Kulanka wada tashiga midka xiga ayaa waxaa la qaban doonaa todobaadka labaad ee bisha December, iyadoo lagu soo bandhigi doono talooyinka laga soo uruuriyay bulshada ku nool deegaanada gobolada dalka, si loo qaato qaabka ugu wanaagsan ee doorashooyinka sanadka 2016 u dhacayaan.

Waxaa wali ka socda hoolka shirarka ee ku yaala garoonka diyaaradaha khudbadaha Mas’uuliyiinta, waxaana intii uu shirkan socday xirnaa wadooyinka muhiimka ah ee magaalada sida Maka Al-Mukarama.

Goor dhow filo war murtiyeedka insha allaah

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON