Thursday, July 17, 2025

Shirkii Wasiirada Dastuurka Federaalka, Dowlad Goboleedyada & G/Banaadir oo ka furmay Garowe [Sawirro]

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawlad Goboleedyada, Gudoomiye Ku-Xigeenka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Agaasimaha Guud iyo Lataliyayaal sare oo katirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda dhexe.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Dastuurka Puntland iyo masuuliyiin kale. Wasiir Cabdi Xoosh oo saxaafadda la hadlayay ayaa ka mahadnaqay soo dhaweeynta wanaagsan ee loo sameeyay, sidoo kale waxa uu ka hadlay ujeedada safarka.

Shirka wasiirada Dastuurka dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa ka furmay isla maanta magaalada Garowe isagoo ah kii saddexaad ee halkaasi lagu qabto.

No automatic alt text available.

Image may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON