Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Shirka oo muddo saddex maalmood ag ah socon doona ayaa lagu daah furi doonaan dib eegista rasmiga ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah, iyadoo lagu wado inuu furo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Waxaa hoolka shirka buuxiyey dad kala duwan oo lagu casuumay iyo saxafiyiin, waxaana hoggaaminaya wasaaradda Dastuurak iyo Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee Golaha shacabka iyo Aqalka sare.
Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay shirka, iyadoo la sheegay inay socoto waanwaan lagu doonayo in dib loogu soo celiyo ka qeybgalka shirka.