Monday, July 14, 2025

Shirweynihii Beesha Mudullood oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Shirweynihii Wadatashiga Beesha Mudullood ayaa goor dhoweyd ka furmay Xarunta Mowlaca Macaliin Nuur ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo dib u dhacay ayaa waxaa ka qeyb galaya dad ku dhow 1000 qof oo ka kala socda qeybaha bulshada iyo marti-sharaf, iyadoo ay ka dhex muuqdaan siyaasiyiinta iyo duubabka dhaqanka ee Beeshaasi.

Siyaasiyiiinta shirka ka qeybgalaya waxaa ka mida Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka.

Shirka ayaa la sheegay inuu socon doono muddo 3 maalmood ah, iyadoo laga soo saari doono go’aano ku saabsan xaaladda dalka iyo arrimaha beesha quseeya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON