Monday, June 23, 2025

Shukri Jaamac: Gabadhii ku guuleysatay Abaalmarinta Maansada Gabdhaha ee BBC-da

Shukri Jaamac Ibraahim ayaa ku guulaysatay abaalmarinta gabdhaha da’da yar ee hal abuurka leh oo ay soo qabanqaabisay laanta Af Soomaaliga ee BBC.

Kaalimaha 2aad iyo 3aad waxaa kala galay Nimco Xasan Tooxyare iyo Miski Warsame. Muddadii uu tartanka socday waxaa ka qayb qaatay boqolaal gabdhood oo hal abuurkooda soo gudbiyey, kuwaas oo ah gabdho da’ yar.

Shukri oo abaal marinta guddoontay

Ad
 Shukri Jaamac waxay kaalinta 1aad ku gashay gabay dhaqanka ka hadlaya

Tartanka ayaa lagu kala saaray in maansadii ay gabdhahaas soo gudbiyeen loo sii gudbiyey seddex gabdhood oo iyaguna ah gabdho maansayahanno ah, kuwaasoo kala ah Caasho-Luul Yuusuf, Laki Xaaji Wacays,iyo Yaasmiin Xasan, si ay u kala saaraan.

“Maansooyinkaas waxay ahaayeen kuwo aysan magacyo la socon oo lambarro kaliya wata”, ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh, isagoo intaa ku daray in markii ay kala saareen ka dib la is waafajiyey lambarrada iyo magacyada.

Seddexda gabdhood ee kaalimaha hore ka galay tartankaas waxaa abaalmarinnada guddoonsiiyey madaxdii halka joogtay oo uu ugu horreeyey madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim Xaaji Cabdullaahi Camey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON