Monday, June 23, 2025

Siciid Deni oo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somaliya

Akhriso: Codadka uu ku tashanayo Musharax Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni iyo dalalka tageeraya

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid C/llaah Deni ayaa ku dhawaaqay caawa inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Deni oo hore loo ogaa inuu xilkan u sharxan yahay ayaa kulan uu la yeeshay xildhibaannada uu kasoo saaray Puntland ugu caddeeyay damaciisa xilka ugu sareya dowladda federaalka, wuxuuna kadib si rasmi ah u shaaciyey inuu yahay musharax Madaxweyne.

Ad

“Waxaan rabaa caawa inaan dadka Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba u sheego inaan u taaganahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya… Waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha inay ku midoobaan in maamulka hadda jira la bedelo. Hadafka ugu weyn waa inuusan sii joogi karin Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayna adag tahay in dalkan hore u sii socdo, cid kasta oo hadafkaas leh ayaan kala shaqeyn doonnaa.. ” ayuu yiri Siciid Deni.

Siciid C/llaahi Deni ayaa ku tashanaya codadka xildhibaanada iyo senatoorada uu soo qoray ee kasoo jeeda Puntland iyo inta badan xubaha ka soo baxay Jubbaland oo isbaheysi siyaasadeed ay leeyihiin madaxweyne Axmed Madoobe.

Xogta ayaa sheegeysa inuu ku tashanayo ilaa 100 cod oo labada Aqal ah, ahna xildhibaannadii kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland, kadibna uu raadsan doono isbaheysiyo kale, wuxuuna ilaa hadda taageero ka heystaa dalalka Imaraadka Carabta iyo Kenya.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON