Ciidamada Itoobiya ee ka baxay Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa gaaray magaalada Dhuusmareeb iyadoo ay ku qaadatay toddobaad ku qaadatay.
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa iyo ciidamo fara badan oo galbinayay ay socod lug oo gaabis ah ku mareen dhulka u dhaxeeya labada magaalo oo saacado la isaga socdo, balse ay ku qaadatay 7 maalmood sababo xagga ammaanka ah.
Ceelbuur iyo Dhuusamareeb ayaa masaafadda u dhaxeysa ay gaareysaa 107 KM, waxaaana ugu badnaan baabuurta milateriga ay u kala socdaan saddex saacdood, laakiin guuritaanka ciidamada Itoobiya ayaa loo bedelay socod iyo inay hadba degaan tuullooyin oo maalin waliba ku hakadaan ilaa saddex jeer.
Kumanaan ciidamada lugta Itoobiya ayaa socodka 107-ka KM ee 7-da maalmood qaatay ku soo afjaray magaaalada Dhuusmareeb iyagoo watay in ku dhow 200 oo gaadiidka ciidamada ah.
Askarta Itoobiyaanka oo lug ku maray dhulka ayaa ayaa ku socday si gaabis ah, iyagoo ka feejignaa weerarro ay ku qaadaan maleeshiyada Alshabaab oo hore weerar ugu qaaday ciidamada Itoobiya ee ku soo jeeday Ceelbuur si ay u galbiyaan ciidamadii ku sugnaa halkaasi.
Ciidamada ayaa isaga baxay Ceelbuur 3-di bshan waxayna Dhuusmareeb gaareen 9-kii bishan, waxaana lasoo weriyay inuu qarax ku qabsaday tuulada Ceelqooxle oo 25 KM u jirta Ceelbuur.
Goobjooge.com