Wednesday, June 25, 2025

Sidee ku furmayaa Shirka Qaran ee Doorashada..? (Qodobbo si hordhaca ah ee horyaalla…)

Shirka wadatashiga Qaran ee Doorashada ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho markii uu dib u dhac laba maalmood ah ku yimid arrimo farsamo dartood.

Shirka oo ka furmaya Teendhada Afisyoone oo shirkii hore uu ka dhacay ayaa waxaa si hordhac ah loogu heshiiyey qodobo dhowr ah oo muhiim u ahaa furitaanka shirka, iyadoo guddiyadii farsamada ay arrimahan kasoo shaqeeyeen.

Arrimaha la isla gartay waxaa ka mida:

1- In Amniga shirka ay sugaan Booliska Federaalka iyo Ciidamada AMISOM.

2- Inuu shirku ku furmo shuruuud la’aan si hordhac ah, Wadahadalkuna ka bilowdo halkii uu ku istaagay

3- Guddiyada la isku khilaafay ee Garsoorka oo lagu bedelayo Guddi kale, lagana saarayo xubnaha la isku khilaafay.

4- Arrinta Somaliland oo loo xil saarayo madaxda ugu sareysa xubnaha. degaandaaasi kasoo jeeda inay heshiis ka gaaraan.

5 iyo Arrinta Gedo oo ah qodobka ugu weyn, taasoo la qaadanayo soo jeedintii shirkii Guddiyada Farsamada ee magaalada Baydhaba.

Shirka waxaa guddoominaya Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo meesha laga saaray kaalintii Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ku doonayay inuu shirka ku furo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON