Sunday, July 6, 2025

Sidee loo qaabilay Wafdi culus oo Dowladda Sweden u soo dirtay Muqdisho..?

Wafdi ka socda dowladda Sweden ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga oo ay hoggaamneysay Wasiiru dowlaha Wasaaraddda Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ah dowladda Sweden Diana Janse ayaa kulan la yeeshay Wasiiro ka tirsan xukumadda oo kala ah: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), Wasiirka Amniga Guddaha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Doodishe iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa kaloo kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda, waxaana looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:- xoojinta xiriirka Iskaashiga labada dal ee Somaaliya iyo Sweden, iyo kordhinta arrimaha maalgashiga, ganacsiga, Xoojinta Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Beenebeene ayaa ku bogaadiyey kaalinta Sweden ugua jirto Arrimaha gargaarka iyo horumarinta, iyadoo Soomaaliya ku garab taagan dhinacyo kal duwan.

Diana Janse Wasiiru dowlaha Wasaaraddda Horumarinta Iskaashiga Caalamiga ee Sweden hambalyeeyay Soomaaliya doorashadii dhawaan ka dhacday dalka iyo ku biirtaanka Ururka Ganacsiga Aduunka (WTO) Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON