Monday, June 23, 2025

Sidee Madaxweyne Qoorqoor u ansixiyey Miisaaniyadii Galmudug isagoo aan magacaabin Gole Wasiiro..?

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi kaariye “Qoorqoor” ayaasaxiixay miisaaniyadda maamulka Galmudug ee sanadkan 2020-ka kaddib markii ay shalay meelmariyeen Golaha Baarlamanka Galmudug.

Miisaaniyadda ayaa gaareysa 17,230,054.00 (Toban iyo toddoba milyan, laba boqol iyo soddon kun, iyo konton iyo afar doolar) waxayna noqotay shaqadii ugu horeysay ee uu qabto madaxweyne Qoorqoor, isagoo aan magacaabin Gole Wasiiro oo ah howsha koowaaad ee laga rabo inuu ku dhaqaaqo markii la doorto muddo bil gudaheed ah. Waxaa Miisaaniyadda diyaariyey qaar ka mida Golihii wasiiradii hore ee Galmudug oo inta badan xilalkii uu ka qaaday Madaxweynihii hore Axmed Ducaale Geelle Xaaf, golahaas oo sanad ku dhowaad aan shaqeynin.

Miisaaniyadda ayaa lala sugi waayey Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweyne Qoorqoor oo shalay dalbaday muddo kordhin Bil ah si uu usii wado la-tashiyada iyo dib u heshiisiinta, waxaana dhacday in Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ay Galmudug iyo Madaxweyne Qoorqoor ku xirtay shuruud ay ka mid tahay Miisaaniyad, canshuur ururin gudaha ah iyo xisaab-xir inta aan loo ogolaan in la siiyo lacagta ka xayiran iyo kharash bileedka dowladda Federaalka ay siin jirtay maamulka Galmudug.

Si degdeg lacagta dowladda federaalka loogu fasaxo ayuu Madaxweyne Qoorqoor isugu yeeray wasiiradii hore ee Galmudug oo ay ku jiraan qaar muddo dheer xilka ka maqnaa iyo kuwo la eryay, waxaana wasiirkii hore ee Maaliyadda soo diyaariyey miisaaniyad la sheegay in laga ansixiyey Golaha Wasiiradii Galmudug ee qaabkaasi lagu keenay, iyadoo kadibna la horgeeyay Baarlamaanka labaad ee Galmudug, kadibna uu xalay saxiixay Madaxweyne Qoorqoor.

Ujeedada ugu weyn ee Miisaaniyadda aan la lahayn Golaha Wasiirada loo boobsiiyey ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay lacagtii Galmudug u fasaxdo maamulka cusub ee ay taageerto, iyadoo howsha ugu horeysa ee lacagtaasi lagu qaban doono ay tahay xafladda caleemo -saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON