Thursday, April 18, 2024

Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyay Magaalada Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, socdaalkii afraad ee duu dibadda ugu baxo intii dib loo doortay bartamihii May 2022.

Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh ayaa casuumaad ka helay Madaxweynaha Kenya, isagoo wadahadal la yeelan doona Uhuru Kenyatta, waxaana wadahadalkooda xoogga lagu ku saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka labada dal oo xumaaday xilligii Farnaajo.

Waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Wasiirka Beeraha dalka Kenya, Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi, Safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ad

“Madaxweyne Xasan ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, waxeyna adkeyneysaa xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka,” ayaa lagu yiri War ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON