Thursday, April 25, 2024

Sidee Muqdisho loogu soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Qatar [Sawirro]

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Qatar, ahna Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi sheekh Mohamed Bin C/raxmaan Althani ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo socdaal aan hore loo shaacin maanta ku soo gaaray caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga Ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Qatar Mohamed Bin C/raxmaan ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Somalia, iyadoo kadibna loo galbiyey Madaxtooyada Somalia, halkaasoo uu kulan kulan kula yeeshay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre.

Wafdigan oo ah kii ugu heer sareeyay ee ka socda dowladda Qatar oo Muqdisho yimaada ayaa wadahadal la leh madaxda Soomaliya, iyadoo dowladda Qatar ay tahay saaxiibka ugu dhow ee dowladda Soomaaliya, waxayna mashaariic ka fulisaa Soomaaliya.

Ad

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa maanta xiran, iyadoo amniga si weyn loo sugay, waxayna booqashadu ahayd mid aan hore loo sii shaacin arrimaha amniga dartood.


Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON