Friday, July 11, 2025

Sidee Qaadka Kenya looga dejiyay maanta Magaalada Gaalkacyo, Puntland..?

Diyaarado sida Qaad ay keeneen dalka Kenya ayaa maanta ka degay  Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkcayo kadib markii ay baaqdeen shalay.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in duulimaadyada diyaaradaha Qaadka ay kasoo duuleen garoomo macmal ah oo aan ahayn Jommo Kenyatta iyo Wilson, kadib markii ganacsatada Qaadka Kenya ay olole u galeen in duulimaadyadan ay ka soo baxaan Kenya.

Dacwad ay waaxda socdaalka Soomaaliya u dirtay Kenya ayaa keentay in shalay la joojiyo duulimaadyadii tegi jiray Puntland, waxaana  ka duulay Kenya ha duulimaad oo tegay Laascaano.

Maamulka Puntland aya dhegaha ka fureystay baaqyo ay jeediyeen culimada iyo waxgarada degaanadooda oo ku saabsan inay joojiyaan Qaadka, waana tan keentay in ganacsatada Qaadka Kenya ay ku adkeysteen in duulimaadyada Qaadka ee taga degaanada Puntland ay dib u bilaabaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON