Monday, July 14, 2025

Sidee u dhacay Kulankii Baarlamaanka? (Xubno la ansixiyey iyo Xildhibaano loo deegsaday awood Ciidan).

Kulankii Golaha Shacabka ee ayaa qabsoomay maanta Duhurnimadii, kadib markii ciidamo badan la dhigay Wadooyinka ku xeeran madaxtooyada, lagana hor istaagay Xildhibaannadii laga joojiyey fadhiyada Baarlamaanka.

Kadib markii la ansixiyey Ajendaha ayaa cod loo qaaday Xubno ka dhiman Guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha. Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza oo ka mid noqonaya Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan 3-Xildhibaan ayaa ka aamustay, mana jirin wax diiday.

Fadhiga Golaha shacabka waxaa warbixinta xaaladda Covid-19 ka jeedisay Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur, iyadoo kulanka isaga tagtay warbixinta kadib; kadibna waxaa bilowday dooda xildhibaannada ee ku saabsan xaaladda cudurka Covid-19. Guddoomiye Mursal ayaa soo xiray kulankii Baarlamaanka ee maanta.

Arrinta muddo kordhinta ayaan maanta lagu soo qaadin fadhiga, kadib xaalad ka dhalatay oo keentay inay soo farageliyaan wakiilada beesha caalamka, ayna xoogeysteen madaxda maamul Goboleeyada ee ka horjeeda.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa ku qabsoomay jawi aad u kacsan, markii ciidamo fara badan saaka lagu xiray agagaarka madaxtooyada iyo baarlamaanka, loona diiday 15 xildhibaan inay ka gudbaan baraha koontaroolka Madaxtooyada, iyadoo loo adeegsaday awoodda ciidanka.

Xildhibaan C/risaaq Cumar oo degan aagga madaxtooyada ayaa sheegay in gurigiisa lagu wareejiyey ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo gaaraya 30 askari, si looga hor istaago inuu tago fadhiga Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON