Friday, June 27, 2025

Sidee u fashilmay Qorshihii qeybinta mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha (Warbixin)

Qorshe si fiican loo soo agaasimay oo loogu talo galay in lagu qeybiyo mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed oo ay soo diyaariyeen xildhibaannada taageera madaxweynaha ayaa fashilmay iyadoo kooxda kale ay difaac weyn ugu jirtay arrintan.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa arrintan la socday, waxaana labada dhinac ee xildhibaanada Mooshinka keenay iyo Prof. Jawaari ay isla ogaayeen arrintan iyadoo ahayd amar ka yimid madaxweynaha oo ahaa in mooshinka ka baxo gacanta guddoonka oo mar uun la yiraahdo waa la qeybiyay kadibna doodiisa loo gudbo, kadibna hal maalin gudaheed cod loogu qaado si kastoo ay ku dhacdo.

Habeenkii xalay ayaa shirkii ay lahaayeen xildhibaanada keenay Baarlamaanka loogu qeybiyay qoraalka mooshinka, waxayna sidoo kale daabaceen boqolaal nuqul oo kale iyadoo balantu ahayd intii aanu shirka saaka furmin in la qeybiyo; laakiin markii shaqaalaha baarlamaanka isku dayeen qeybinta mooshinka shirkii oo aan la furin ayay ka hortageen xildhibaanada diidan mooshinka oo jeejeexay nuqulo badan oo xarunta shirka ay ugu tageen iyo qaar ay hayeen shaqaalahaasi.

mooshinj

Waxaa mar kale la sheegay inuu boqolaal nuqul shirka keenay  xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo uu la socdo Xildhibaan Cabdalla Xuseen oo u qeybiyay xildhibaanada taageersan mooshinka. Sidii la isku ogaa Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa weydiiyay xildhibaannada iyagoo buuq xoog leh socdo : “MA LA IDIIN QEYBIYAY MOOSHINKA?” xildhibaanada taageersan mooshinka ayaa  “HAA” ku jawaabay .

Kooxda taageersan xildhibaannada ayaa ku doodaya iminka in la qeybiyay mooshinka isla markaana doodiisu bilaaban doonto muddo shan maalmood ahna ay heystaan xildhibaannada.

Waxaa la is weydiinayaa:

1. LIIS OO AAN LA SAXIIXIN

2. KOORAMKA OON LA OGAAN

3. SHIRKA OO AAN LA FURIN

4. AJANDE OO AAN LA ANSIXIN

5. SIDEE MOOSHIN LOO QEYBIYAY?????

Arrintan waxay muujineysaa xaalada uu marayo Baarlamaanka Soomaaliya iyo heerka ay gaartay fowdada iyo nidaam xumida hareysay muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaase su’aalo kale oo jawaab u baahan noqonaya:

HADDII SIDAAS MOOSHIN LAGU QEYBIYAY!!

1. SIDEE LOOGA DOODI DOONAA?

2. SIDEE COD LOOGU QAADI DOONAA?

3. SIDEESE LOO AQBALI KARAA GO’AAN SIDAAS KU YIMAADA

Waxaa muuqata in jahawareerkani sii socon doono, kadibna dhali doono sharci darro iyo iska horjeed meelna loo socon karin haddii aanu imaan tanaasul iyo xaalad ka duwan tan hadda ka taagan hay’adaha dowladda.

Goobjooge.com
Muqdisho-Somalia

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON