Guddi ka tirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka ayaa 12-kii Bishan Septembar 2022 ansixiyey Qandaraas bixinta Shidaalka Soomaaliya, kadib markii la is waafajiyey sharciyada iyo xeerarka u yaalla.
Guddiga Isku-dhafka heer Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta ayaa ansixiyay habraacyada qandaraas bixinta shidaalka ee uu u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed, iyagoo tixgeliyay codsigiisa.
Sidoo kale waxay Guddiga Wasiirada ansixiyeen is-waafijinta qodobadda sharciga Batroolka iyo sharciga Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka oo muddo hortaagnaa arrintan.
Ansixintan ayaa ka dhigan in loo gacan banneeyay Wasiirka Batroolka in wasaaradiisa ay geli karto heshiisyo qandaraas oo ku saabsan faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya, lana dhammaystiray dhammaan habraacyada lagu maraynayo hannaanka bixinta qandaraasyada shidaalka.
“Maanta Guddiga Wasiirada waxay ansixiyeen habka Qandaraas bixinta, kaasoo muhiim u ah dejinta habraaca tartamada. Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo asxaabtayda sida ay uga tashadeen oo ay si taxadar leh u fiiriyeen labada dukumeenti iyo ansixintooda” ayuu yiri Wasiir C/risaaq oo u mahadceliyey wasiiradii kala shaqeeyay arrintan.
Guddiga Isku-dhafka heer Wasaaradeed ee Qandaraas bixinta waxaa shirarkan uga qeyb galay wasiirada Cadaaladda, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda oo dhammaantood ah xubno ka tirsanaa xisbiga UPD ee Madaxweyne Xasan Sheekh.
