Wednesday, June 25, 2025

Sii-haye cusub oo la wareegay xilka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan [Sawirro]

Dowladda Soomaaliya ayaa isbedel ku sameysay diblomaasiyiintii safaaradda Soomaalida ee magaalada Khartoum, iyadoo sii haye cusub oo gaaray dalkaasi uu xilka la wareegay.

Isbedeladao lagu sameeyay diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Khartoum ayaa imaanaya kadib markii loo yeeray inay degdeg dalka ugu soo laabtan diblomaasiyiintii hore oo arrimo kal duwan lagu  soo eedeeyay markii uu magaalada Khartoum booqday Ra’iisal wasaare Kheyre.

Cusmaan Axmed Maxamed ayaa loo magacabaay sii-hayaha safaaradda Suudaan, wuxuuna la wareegay xilka Sii-hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Khartoum, Sudan.

Mudane Cusmaan, ayaa labo todobaad kahor loo magacaabay Lataliyaha koowaad ee Safaaradda, waxa uu hore uga soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya ee Sanca, dalka Yeman; iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay sheegtay inuu ehel u yahay gudashada howlaha noocaan oo kale ah.

Image may contain: 3 people, suit

Image may contain: 2 people, people smiling, suit

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON