Tuesday, November 24, 2020
More

    Silvia Romano: Haweeneydii lagu afduubtay Somaliya oo qaadatay Diinta Islaamka

    Haweeneydii afduubka loogu heystay Soomaaliya ee u dhalatay dalka Talyaaniga Silvia Romano ayaa la sheegay inay qaadatay diinta islaamka, kadib markii iyagoo xijaab xiran ay maanta dib ugu laabatay dalka Talyaaniga.

    “Aad ayaan u fiicanahay.. jir ahaan iyo maskax ahaan.. hadda waxaan doonayaa inaan waqti la qaato qoyskeyga.. waan ku faraxsanahay inaan dib u soo laabay waqtigaas dheer kadib” ayey tiri Silvia Romano sida lagu baahiyey muuqaal uu daabacay wargeyska Corriere della Sera.

    Ad

    Wakaalada wararka Talyaaniga oo soo xigatay ilo Sirdoon ayaa sheegtay in Silvia Romano oo 24 sano jir ah ay qaadatay diinta Islaamka intii afduubka lagu heystay, waxayna sheegtay inay iskeed u qaadatay islaamka, iyadoo aan la qasbin, ayna marka hore arrintan kala hadli doono qoyskeeda.

    Haweeneydan ayaa bedeshay magaceeda, waxayna la baxday magac cusub oo ah “CAA’ISHA”, sida ay qoreen warbaahinta Talyaaniga, iyadoo isbedel weyn ku dhaay nolosheeda, waxayna baarayaasha Talyaaniga u sheegtay inaan guur lagu qasbin, markii ay Qur’aanka akhrisayna ay ku qanacday diinta islaamka.

    Haweeneydan oo Novembar 2018 dabley Alshabaab gacansaar la leh ka afduubteen dalka Kenya ayaa lagu sii daayey howlgal aan faahfaahin badan laga bixin oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Talyaaniga, Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana lagu heysay degmada Afgooye, iyadoo maanta dib ugu laabatay dalkeeda oo lagu soo dhoweeyay dalkeeda.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,190FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,694FollowersFollow
    151,190FansLike
    2,149FollowersFollow
    5,694FollowersFollow

    TOP NEWS

    Wakiilada Beesha Caalamka oo Khadka uga qeyb galay Shirka Musharixiinta & Wanwaan loogu diray Farmaajo

    Shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii afraad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa khadka Internet-ka ee ZOOM-ka uga qeyb galay wakiilada beesha caalamka. Shirka...

    Midowga Musharixiinta Madaxweynaha oo yeeshay Guddoomiye, Xogheyn iyo Afhayeen (Akhriso)

    Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha oo shirkooda magaalada Muqdisho maanta la soo gabagabeynayo ayaa iska dhex doortay guddoomiye xogheyn iyo Afhayeen. 14 musharax ayaa oo...

    XOG: C/weli Muudey oo qirtay inuu ka danbeeyay ridistii Xukuumadii Xasan Kheyre, Dalabna hor dhigay..

    Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey ayaa cafis ka dalbaday Ra'iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kadib markii uu sheegay...

    Safiirka Itoobiya ee Somalia oo shaaciyey Go’aan Madaxweyne Farmaajo ku taageeray Dagaalka Tigray (Akhriso)

    Safiirka dowladda Itoobiya u jooga magaalada Muqdisho Jalaaludiin Omar ayaa shaaciyey in Madaxweynaha Soomaaliya uu si buuxda u taageeray howlgalka fulinta sharciga ee ciidamada...

    Alshabaab oo Gubtay Gaadiid Xamuul ah oo ku socday Magaalo ay Go’doomiyeen

    Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay gubeen baabuur nooca xamuulka ah oo ku sii jeeday Gobolka Bakool. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Dodishe ayaa...

    Abiy Ahmed oo la-taliyihiisa Amniga u soo diray Madaxweyne Farmaajo iyo kulan ka dhacay Villa Somalia

    Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ergay gaara u soo diray magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo, isla markaana farriin u soo gaarsiiyo Madaxweynaha...

    Mursal iyo Muudey oo tegay shirka Musharixiinta Madaxweynaha iyo Farriin culus oo ku socota Farmaajo

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Cabdiweli ibraahim Muudeey ayaa caawa lagu soo dhoweeyay shirka Musharixiinta xilka Madaxweynaha ee...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!