Sirdoonka Dowladda Kenya ayaa shaacisay Macalin Iskuul degaanka ah oo la sheegay inuu hoggaaminayey weerarkii Jimcihii hore ka dhacay Wajeer oo lagu dilay 13 qof oo u badnaa saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Kenya ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Xuseen Xasan, wuxuuna macali ka ahaa Dugsi Hoose oo ku yaalla degmada Wajeer, wuxuuna muddo ka hore gudaha Kenya geeyay maleeshiyooyin ka tirsan Alshabaab, iyadoo la qabtay dad ay ka mid tahay xaaskiisa oo su’aalo la weydiiyey.
Weerarkii Wajeer oo ay sheegtay Alshabaab, kana mid ahaa kuwa ugu qasarah badan oo lagu dilay 8 sarkaal oo ka tirsan ciidamada Booliska Kenya, waxaa lagu qaaday Bas ku socday Mandheera, waxaana jidka u galay maleeshiyo ka badan 15 Nin oo uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Xasan, kuwaasoo dadkii Baska saarnaa u kala saaray muslimiin iyo Kirishtaan, kadibna laayey dadkii aan muslimka ahayn.