Thursday, July 17, 2025

Siyaasi Caan ah oo mucaarad ku ah Madaxweynaha Puntland oo lagu xiray Magaalada Boosaaso

Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari maanta lagu xiray Muuse Cali Jaamac oo ah siyaasi caan ah oo mucaarad ku ah maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Siciid C/llaahi Deni.

Siyaasigan ayaa dhowaan magaalada Boosaaso uga qeyb-galay shir ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari, kaasoo lagudhaliilay hoggaaka Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ee Puntland, iyagoo si weyn u dhaliilay garsoorka maamulkaasi oo aad u liita, kaasoo mudnaa inuu noqdo waxqabadka ugu horeeya ee xukuumadda Deni.

Muuse Cali jaamac ayaa la sheegay inuu saaka u yeeray Wasiirka Amniga Puntland C/samad Maxamed Gallan, laakiin intii uu kusii socday xafiiskiisa inay dhexda ka qabteen cidamada Booliska magaalada Boosaaso oo xabsiga u taxaabay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON