Friday, July 18, 2025

Siyaasi reer Puntland ah oo isu soo sharxay jagada Madaxweynaha Soomaaliya 2016

Dr.  Cali Xaaji Warsame  oo ka mida siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland,  horena u ahaa wasiirka  ka tirsan maamul goboleedka Puntland intii aan xilka laga qaadin ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Cali Xaaji oo hore ugu tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ayaa isagoo ku sugan dalka Zambia ku dhawaaqay inuu yahay musharax  Madaxweyne 2016.  Wuxuuna halkaas kulan kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia.

Wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dhibaatooyinka Soomaaliya ka taagan xiligan, wuxuuna dhaliilay dowlada Xasan Sheekh oo uu sheegay inay ku guuldareystay wax ka qabashada arrimihii laga sugayay inay hirgeliso 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa sii kordhaya musharixiinta u taagan jagada madaxweynaha Soomaaliya oo iyadoo aan waqtigii la gaarin ay iminka is sharxeen dad ku dhow 30. Cali Xaaji ayaa mar ka mid noqday liiska musharixiin loo magacaabi lahaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyadoo markii dambe la magacaabay Cumar C/rashiid.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON