Thursday, June 26, 2025

Siyaasiga Aadan Barre Ducaale oo Farriin u diray Madaxweyne Farmaajo & Maamul Goboleedyada [Akhriso]

Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aaden Barre Ducaale madaxda Soomaalida ugu baaqay inay u midoobaan danaha dalkooda, loogana saari lahaa is-jiidjiidka siyaasadeed.

Aadan Barre oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa baaq u diray madaxda Soomaalida, isagoo yiri: “Waxaa talo iga ah in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay heshiiyaan, una daneeyaan duruufaha shacabka iyo dalka maryaaan, iyagii dhexdoodana aanay isku soo laaban”.

Wuxuu sheegay in nabadgelyo iyo xasillooni Soomaaliya ka dhacda ay dan ugu jirto Gobolka Geeska Afrika oo dhan, taasina ay fursad u siin doonto in shacabka Soomaaliyeed uu dib ula soo noqdo sharaftii iyo sumcaddii uu Afrika ku dhex lahaa.

Adan Baree wuxuu farriin gaara u diray madaxweyne Farmaajo. “Odayga ugu sarreeya waa Madaxweynaha ayaa la rabaa in uu u dulqaato ragga madaxda ka ah dowladd goboleedyada” ayuu yiri xildhibaan Aaden Barre Ducaale.

Waa markii labaad ee Aadan Barre Ducaale baaq kasoo saaro khilaafka madaxda Soomaalida isagoo ku dooday inay arrintan ku dhalisay culeyska uu leeyahay khilaafka aan xalka laga gaarin ee ka taagan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON