Monday, August 25, 2025

Siyaasiga Reer Kenya ee Faarax Macalin oo shaaciyey sababta uu u yimid Muqdisho & Faallo uu ka bixiyey

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya iyo siyaasiga caanka ah ee Faarax Macalin oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey sababta uu u yimid caasimadda Muqdisho.

Wuxuu sheegay in socdaal shaqsi oo gaara uu ku joogo caasimadda Soomaaliya, isagoo si weyn u amaanay horumarka ka socda Muqdisho oo muddo sanad ka hor ah ay ugu danbeysay, isagoo ka mida taageerayaasha waaweyn ee madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre.

“Waxaan booqasho gaaban oo gaara ku imid … magaalada Muqdisho, Waxaan u riyaaqay heerka horumarka uu gaarsiisan yahay laga bilaabo safarkeygii ugu danbeeyay. Sanad ka hor ayan halkan imid.. waxaan saaxiibadey kula qadeeyay xeebta caanka ah ee Lido… qurux aan la qiyaasi karin ayaa ka muuqata, Garoonka Aden Cadde waa mashquul..” ayuu yiri siyaasiga Faarax Macalin.

Siyaasigan ayaa si aan gabasho lahayn is barbar taagay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna kula taliyey inay xiriirka u jarto Imaaraadka Carabta, waxaana xusid mudan inuu taageeray weerarkii ciidamada NISA ku qaadeen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Duulista  iyo Hawada Somalia Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON