Sunday, June 22, 2025

Siyaasiyiin caan ah si kulul u dhaliilay Eedeynta Dowladda Soomaaliya u jeedisay Jabuuti & Siyaasadda Farmajo

Waxaa sii xoogeysanaya fal celinta laga bixiyey eedeyntii dowladda Soomaaliya u jeedisay dalka aan wallaalaha nahay ee Jabuuti oo ku saabsaneyd inay la safatay dalka Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta ku eedeeyay dowladda Jabuuti inay Soomaaliya kala safatay dalka Kenya, kadib warbixintii ay soo saareen Guddiga IGAD u saartay xaqiiqo raadinta khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

” Maxaa Djibouti gaar ku ah?. Soomaaliya haddaysan ku qancin warbixinta xaqiiqo-raadiska ah ee Gudiga IGAD, waa arrin ay xaq u leedahay, maxaase keenay in Djibouti farta gaar loogu godo oo eedayn loo jeediyo? Sow warbixintu magaca Gudiga IGAD kuma soo bixin?” sidaasi waxaa yiri -Cabdi Faarax Juxa- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo su’aalo ka keenay sida gaarka ah ee dowladda Soomaaliya u bar tilmaameedsatay Jabuuti.

Ad

Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa isna fariintan soo diray: “Waa arrin fajac leh in guddi IGAD u xilsaartay iney ka soo xog bixiyaan muran u dhexeeya labba dal, waliba Somalia oo raali ka aheyd guddigas, in loo miiso dal gooniya weliba hadalo laga yaxyaxo. Djibouti waa dal Somalia la mataana ah; inta ay inoo hiiliyeen aysan xisaab laheyn “

“Hogaankii Villa Soomaliya oo Fariinka Goostey! Madaxweyne Farmaajo dowladnimadii Soomaaliya waxa uu u wadaa sida nin wada baabur aan fariin lahayn oo hadba darbi ku dhufanaaya.Kadib markii dadkii iyo dalkii oo dhan madaxa iskugu wada dhuftey, ayuu bilaabay inuu Dalalka dariskana iyo Soomaliya qoorta isku galiyo. Sida muuqata asagu in dib loo doorto waa ka quustay ee anaga ayuu rabaa in uu walaal iyo daris la’aan na dhigo.Saan waa xarga goosad, Madaxweyne!.” ayuu yiri – Xildhibaan C/raxman Odowaa oo hore u soo noqday Wasiirka hore Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn u dhaliilay hab-dhaqanka dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo, wuxuuba yiri: “11 maalin ayaa u hartay, warka ka soo yeerayna Soomaaliya kuma matalo ee walaalaheen Jabuuti ha naga raali ahaadeen.. Jabuuti ayaa Soomaaliya cadow u ah. Eratareeya iyo Itoobiya na walaalo ayaan nahay. Anigu fahmi waayay ee horta Farmaajo ma fayow yahay. Mise wuxuu noo haystaa dad aan waxba garan karin?!”

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON