Tuesday, June 24, 2025

Siyaasiyiin difaacay Dhagaxii Qaaliga ahaa ee laga keenay degaanka Ceel-Cali (Xildhiban Jeesow oo loo jawaabay)

Qaar ka mida mas’uuliyiin kasoo jeeda Beesha Gaaljecel oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu difaacay Dhagax Qaali ah oo laga keenay degaanka Ceel-cali, iyadoo eedeyn loogu jeediyey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo guddoomiyaha Baaralmaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre.

Xildhibaan hore Maxamed Maxamud Ibrahim (Goodir) ayaa sheegay inay yihiin Guddi ay saarteen Beesha degaanka Ceel-cali, waxayna jawaab ka bixiyeen warkii kasoo yeeray siyaasiyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay inay siyaasiyiintaasi ka ka been sheegaan degaanka iyo beesha ay metelaan.

Xubnahan waxay si kulul u eedeeyeen Xildhibaan Jeesow, iyagoo sheegay inuu yahay nin Af-ku-dukaanle ah oo aysan ka yeeleynin inuu dhibaateeyo dadkiisa, waxayna difaaceen Dhagaxa laga soo qaaday Degaanka Ceel Cali oo ay sheegeen inuu yahay mid si caadi ay gaancsato usoo iibsatay wax dhibaato ah aysan ka dhalan.

Ibraahim Maxamed oo ka mida xildhibaanada Hirshabeelle oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu si hoose ula socday arrintan Dhagaxa, ayna soo iibsadeen Ganacsato iyagoo la macaamilay dadka degaanka iyo odayaasha si ogolaansho ahna kusoo qaateen.

Waxaa muuqata in arrinta dhagxaanta laga keenay Ceel Cali ee hadda ay gacanta ku hayaan ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ay isu bedeshay loolan siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhaxeeya siyaasiyiinta Beeshan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON