Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaloya iyo siyaasiyiin ku kacsan madaxweynaha maamulka ayaa bilaabay diyaarinta mooshin ay doonayaan in lahu casilo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ololaha ayaa waxaa hadda ku soo biiray xubno ka tirsan Golaha Wasiirada K/Galbeed oo si cad u sheegay inuusan Shariif Xasan sii ahaan madaxweynaha maamulkaasi.
Ilaa shan wasiir oo ayaa hadda si cad uga horjeeda madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana socda mooshin bilow ah oo la doonayo in Baarlamaanka maamulkaasi la hor geeyo.
Lama oga sida ay suuragalka u noqon doonto in Shariif Xasan mooshin xilka looga qaado, laakiin waxaa Baydhaba iyo Muqdisho isku biirsaday kooxo ku kacsan Shariifka oo hadda ku howlan ololaha madaxweynaha Soomaaliya.
Goobjooge.com