Friday, April 19, 2024

Siyaasiyiin u dhow Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inay ‘Baad’ u heystaan Qaadkii Kenya

Siyaasiyiin u dhow madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeeyaan caqabadaha hortaagan in Qaadka Kenya la keeno Soomaaliya, kadib heshiiskii dhowaan dhex maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxda iyo ganacsatada Ururka Ganacsatada Qaadka Miirowga ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku eedeeyay xubno uu ka mid yahay wasiir iyo xildhibaan inay Baad iyo Laaluush ku joojiyeen dhoofkii Qaadka Miirowga ee dib loo furay, iyagoo sheeganaya inay xiriir la leeyihiin madaxweyne Xasan Sheekh, Qaadkana si gaara loogu xiray.

Guddoomiye ku xgeenka Ururka Somai-Miraa Associaton Cabdi Xasan Maxamed ayaa magacaabay wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur, xildhibaan Maxamed Cajiib iyo Nin lagu magacaabo Cadnaan inay halkii Kiilo (1Kgr) oo Qaad ah kusoo rogeen lacag dhan 5 Dollar in laga siiyo, iyago sheeganaya awood Madaxweyne, taasina ay caqabad ku noqotay dib u bilaabidda dhoofintii Qaadka Kenya.

Ad

Xasan Cabdi Maxamed ayaa yiri; “Shaqadaada aan ku siiyee, Lacag Baad ah i sii.” ayaa socota, wuxuuna intaas raaciyey in xubnaha uu magacaabay oo u dhow madaxweyaha Soomaaliya ay lacago baad ah kusoo rogeen Qaadkii Kenya, isagoo baaq u diray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ganacsatadan ayaa sheegay inay dacwad u gudbiyeen Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha, isla markaana ay sugayaan dhismaha xukuumadda, balse caqabad weyn oo loo adeegsanayo awoodii madaxweyaha ay hortaagan tahay.

Waxay ugu baaqeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu arrintan wax ka qabto, Dallaalleyda siyaasiyiinta ahna meesha ka saaro ama caddeeyo in musuqa ay wadaan uu la ogyahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON