Xaflad uu soo agaasimey xisbiga Wadajir ayaa maanta ka socota magaalada Muqdisho iyadoo loogu baroordiiqayo askartii ilaalada ka ahayd Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee ciidamada dowlada ay ku dileen weerarkii ka dhacay Gurigaasi 18-kii Disembar ee sanadkii hore 2017.
Xafladda oo ka dhaceysa Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno u badan siyaasiyiinta mucaaradka dowladda, odayaal iyo dad kala duwan oo lagu casuumay, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay magacyada shan askari oo ilaalo ka ahaa guriga kuwaasoo lagu dilay dhacdadii lagu soo qabtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
Askartan ayaa la sheegay in meydkooda ay qaateen ciidamada NISA isla markaana ay aaseen iyagoo aan la siin ehelkoodii, waxaana dacwad ku saabsan arrintooda laga furay maxkamadda Milateriga dowladda Soomaaliya.
Siyaasiyiin, xildhibaanno iyo marti sharaf ka hadlay xafladda ayaa dalbaday cadaalad iyo xaqii askartaasi meel la saaro.