Wednesday, June 25, 2025

Siyaasiyiinta ka baxay Xisbiga Kulmiye oo si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Mucaaradka ee Wadani

Siyaasiyiin caan ka ah Somaliland kana tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta ku biirray xisbiga mucaaradka ee Wadani.

Siyaasiyiintan ayaa ahaa kuwo horray uga carooday xisbiga Kulmiye kana tirsanaa dowlada Madaxweyne Siilaanyo.

kulmiyeWaxay horray u diideen doorashadii xisbiga Kulmiye loogu doortay Muuse Biixi inuu xisbiga musharax madaxweyne u noqdo.

Raggan waxaa ka mid ah, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis.

Muddo billooyin ah ayay wadahadalo kula jireen xisbiga mucaaradka ee Wadani, maanta ayayna shaaciyeen inay rasmiyan uga mid noqdeen xisbigaasi.

Waraysi ay labadan mas’uul siiyeen BBC-da ayay ku sheegeen inay xoojinayaan xisbiga Wadani qaabdhismeedkiisana wax laga badali doono.

Somaliland waxaa ka dhisan sadax xsibi oo kala ah; Kulmiye oo taladda haya, iyo xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani.

Doorashada guud ee madaxweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in la qabto bisha March ee sanadka 2017-ka

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON