Dib u dhac ayaa la sheegay inuu ku yimid safarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta lafilayay inuu ku tago magaalada Jowhar.
Afhayeenka Madaxweynaha, Daa’uud Aweys ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid safarkii Madaxweynaha ee magaalada Jowhar. Mana la shaacin sababaha keenay dib u dhaca safarkaasi.
Magaalada Jowhar ayaa si weyn loogu diyaar garoobay imaanshaha Madaxweynaha, iyadoo uu ka socdo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Waxaa la filayay inuu Madaxweyne kulamo la yeesho Odayaasha dhaqanka ee ku sugan shirka Jowhar, iyadoo lagu dhex jiro qeybsiga baarlamaanka maamulka la dhisayo yeelan doono.
Goobjooge.com