Sunday, July 13, 2025

Somalia iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis ku saabsan adeegsiga Dayax-gacmeedka arrimaha Isgaarsiinta

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis gaara oo la sheegay inay Soomaaliya isticmaalka dayax-gacmeed loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta.

Heshiiskan ayaa yimid iyadoo uu dalka Qatar ku sugan yahay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Eng. Cabdi Cashuur Xasan oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qarar Jassim bin Saif Al Sulaiti. ayna ka wadahadleen iskaashi dhow oo dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.

Labada dal ayaa kala saxiixdeen heshiiskan ayaa ku saabsan isticmaalka Dayax-gacmeedka loo adeegsado arrimaha isgaarsiinta, waxaana saxiixa heshiiska goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali.

“Iskaashigan cusub ee labada dal waxa uu qeyb fiican ka qaadan doonaa maalgelinta iyo dib-dhiska kaabaayaasha isgaariinta dalka, waxa uuna sidoo kale suurtogelin doonaa ka-faa’iideysiga khibradda dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya dalalka carabta dhinaca maalgelinta tiknolojiyadda casriga ah,” ayuu yiri wasiir Cashuur.
Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON