Sunday, July 13, 2025

Somaliland iyo Khaatumo oo ia-afgarad ka kooban 8 Qodob kala saxiixday [Akhriso]

Maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa heshiis kale ku saxiixday dalk Jabuuti kadib wadahadallo labada dhinac in muddo ah uga socday dalkaasi.

Heshiiska oo lagu sheegay Is-afgarad waxaa labada dhinac u kala saxiixay Maxamed Mixille Boqorre oo hormuud u ahaa wafdiga Somaliland iyo Maxamed Shiikh Cumar Xasan oo hogaaminayay wafdiga Khaatumo.

Qoddobada lagu heshiiyay, waxay kala yihiin:

1- In si sugan looga wada shaqeeyo arrinta Nabadeynta, ee u dhaxaysa Beelaha Walaalaha ah ee ( Bahar-same iyo Qayaad ) Si Buuxdana loo taageero oo la Garab istaago Gudiga Nabadaynta ee Howshaa Gacanta ku haya.

A- In wixii Farogelin ah Gudaha iyo Dibedaba ee waxyeelayn kara Nabadaynta Labaasi Beelood meel looga soo wada jeesto.

2- In howlaha Abaaraha iyo Horumarinta degaanadaasi la iska kaashado si wadajir ah.

3- In Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha loogu baaqo inay ka howlgalaan dhamaan Gobolada iyo degmooyinka aanay hore u tagi jirin, halkaasi oo aysan wax nabadgelyo darro ah ka jirin, loona sameeyo Guddi wadajir ah.

4- In maamul daadejintu aasaas u tahay Nabad ku wada Noolaanshaha iyo Kobcinta Awooda Bulshada la gaarsiiyo oo laga abuuro Maamul iyo adeega Bulshada meelaha Aanay hore uga Jirin, Hay’adaha Samafalkuna ay doorkooda ka qaataan.

5- In meel looga soo wada jeesto wax kasta oo Caqabad ku Noqon kara Hanaanka Wada-hadalka Labada dhinac.

6- In wixii dhiig iyo Dhaqan ku saaabsan lala Kaashado Odayaasha dhaqanka si wada Jir ah.

7- Waxaa la isla qaatay in gudiga Farsamadu soo diyaariyo Shirka Danbe, Soona Cayimo Goorta iyo Goorta Sida ugu dhakhsaha Badan.

8- Waxaa la isla qaatay in yoolka Wada-hadalkan uu Saldhig u yahay Is-aamid, Wada-shaqayn, Nabadgelyo Iyo Horumar dhankastaba ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON