Monday, July 14, 2025

Somaliland: “Ma ahayn inay dowladda Somalia isku sawirto Diyaarado USAID soo kireysay..”

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Diyaarado ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay u direyso Somaliland si ay Ayaxa uga buufiyaan.

Wasiirka oo shir jara’id ku qabtay Hargeysa ayaa faahfaahin ka bixiyey Diyaaradaha Ayaxa buufinaya ee ay howsheeda waday Hay’adda FAO, isla markaana kharashka lagu soo kireeyay ay bixisay USAID, muddo dheerna ay arrintaasi socotay oo Somaliland ay u diyaarisay qorshahooda, sida goobihii la dejin lahaa, shidaalkooda oo aan oolin Muqdisho sida uu yiri, iyo shaqaalaha la socda sidii loola maareyn lahaa.

Waa diyaarado shirkado gaara leeyihiin, lana soo kireeyay. Diyaaradahaa inay Muqdisho fariisiyaan oo ay isku sawiraan ma ahayn.. waxaan sugeynay laba diyaaradood oo USAID soo kireysay oo FAO noo soo marisay waxay kasoo duuli doonaan Nairobi, iyagoo toos u imaan doono Hargeysa, waxayna muddo 2 bilood ah ku sugnaayeen magaalada Nairobi arrimo farsamo dartood…” ayuu yiri wasiirka Beeraha Somaliland oo caddeeyay inaysan shaqo ku lahan diyaarado ka yimaada Muqdisho.

“Annagu wixii dekadda Berbera kasoo dega ee u socdo Soomalaiya iskuma sawiro, mana sheegano, inagoo weliba canshuur dhaaf u sameyno..” ayuu yiri Wasiirka Beeraha Somaliland Axmed Muumin.

Shalay ayey ahayd markii Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay ka qeyb galeen xaflad lagu soo bandhigay laba diyaaradood iyadoo mashruuca goobaha laga fulinayo ay ahaayeen Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON