Monday, June 23, 2025

Somaliland oo 25 sano kadib magacawday Guddi cusub oo aqoonsi u raadinaya maamulkaasi

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta  ayaa u dhignayd sidan:- 

Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Ad

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map). 

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Sacad Ali Shire               Guddoomiye
  2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi
  3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)
  4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdoo Axmed Aayar
  5. Wakiilka Wareega ee Somaliland                         Mudane, Raabi Axmed Mohamed
  6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga                                        Mudane, Cali Axmed Cismaan
  7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
  8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                        Prof. Maxamed Siciid Gees
  9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda                                       Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
  10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga                                            Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
  11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud                              Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
  12. Professor, Macalester College, Minnesota                       Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
  13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa       Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax
  14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah                              Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
  15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada        Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
  16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida         Mudane, Axmed Daahir Jirde
  17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID                                         Eng. Faysal Cali Waraabe
  18. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani                         Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad xil weyn oo mug iyo miisaan leh aad iska saari doontaan mas’uuliyaddan qaran ee aan idiin magacaabay, aniga oo ku kalsoon aqoontiinna, kartidiinna iyo hal-abuurka Eebe hibada idiin siiyey..

Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON