Sunday, July 6, 2025

Somaliland oo masaafurineysa boqolaal qof oo Itoobiyaan ah

Xarunta Laanta Socdaalka ee Somaliland ayaa sheegtey in ay dalkooda ay ka masaafurinayaan ajaanib kor u dhaafaya 300. Dadka la masaafurinayo ayaa u badan Itoobiyaan, kuwaas oo  maanta la isugu geeyey xarunta socdaalka ee Somaliland.

Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland ayaa Idaacadda VOA u sheegay in maamulka Somaliland dadkan ka caawinayo sidii ay dalalkooda u gari lahaayeen. Maxamed Cali Yusuf Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland ayaa sheegay in dadkaani ay Somaliland ku joogeen sharci darro.

“Muddadii loo qabtey markii la gaarey ayaa dadkaan badankood si iskood ah isugu yimaadeen xaruntan, anaguna waan ka caawineynaa wixii sahay ah” ayuu yiri Taliyaha laanta socdaalka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Warancadde ayaa sheegey in ugu danbeyn 1 Feberaayo 2016 qof kasta oo sharci darro ku jooga Somaliland la masaafurin doono. Waran-Cadde ayaa dadka Somaliland ugu baaqey in ay qaataan  kaararka dhalashada Somaliland. Waran Cadde ayaa sheegey intaasi ay tahay tan keliya ee lagu kala garan karo dadka u dhashey Somaliland iyo Soomaalida kale, si aan loo masaafurin qof reer Somaliland ah.

-Waxaan mar labaad baahineynaa in dadka ajaanibta ah ee sharciga aan haysan ay isaga baxaan Somaliland, ama waa in ay sharci ku joogaan ama sharci uga baxaan, qofkii sharci darro ah ku jooga waxa uu muteysan doonaa xarig ayuu yiri Waran Cadde, Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON