Hubkii maamulka Somaliland kala degay markab dhowaan ku soo xirtay Dekadda Berbera ayaa dib loogu raray markabkaasi loona fasaxay inuu safarkiisii sii wato kadib markii ay soo faragelisay dowladda Suudaan oo si toos ah ula soo xiriirtay Somaliland.
Wararka laga helayo Hargeysa ayaa sheegaya in dowladda Suudaan ay qoraal u soo dirtay madaxweynaha Somaliland, kuna sheegatay inay hubkaasi leedahay, hubkaas oo ay sheegtay inuu ku socday Dalka Imaaraadka Carabta, waana hub loogu talo galay in lagu soo bandhigo Carwo Dubai ka dhaceysa oo lagu soo bandhigayo wax soo saarka hubka dunida.
[ad name=”HTML-3″]
Suudaan ayaa dalbatay in Somaliland ay degdeg ku fasaxdo markabkaasi kuna celiso hubkiisa si aanu uga dib dhicin xilliga carwada taasoo haddii ay dhacdo magdhow malaayiin doolar laga doonayo Somaliland. Arrintan ayaa maamulka Somaliland ku qasabtay inuu degdeg hubkii uu la degay ku celiyo markabkii laga dejiyay.
Arrintan ayaa maalmo dhowr ah jiitameysay iyadoo Somaliland ku doodeysay inay maxkamad saareyso markabka lana wareegtay hubkii saarnaa. Maxamed Biixi Yoonis oo arrimaha dibadda u qaabilsan Somaliland ayaa xaqiijiyay goor dhoweyd inay fasaxeen markabkii oo dib loogu raray hubkii kadib markii uu la soo xiriiray madaxweynaha Suudaan, lana xaqiijiyay inuu hubku ku socday Abu Dubai iyadoo aan wax ganaax ah laga qaadin.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]