Tuesday, July 15, 2025

Somaliland oo hakisay dhismaha saldhiga Milateriga Imaaraadka ee ka socday magaalada Berbera

Xukuumadda Somaliland ayaa hakinaysa dhismaha Saldhigga militari ee dowladda Imaaraadka Carabtu ka wado magaalada Berbera.

Warkan ayaa lagu daabacay Wargeyska Geeska ee kasoo baxa magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay in ilo ku dhow Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ay u sheegeen inuu dowladda Imaaraadka ku wargeliyay inay hakiso howha dhismaha ee saldhigga Berbera laga siiyay Imaaraadka, iyadoo xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi ay dib u eegis ku sameyneyso heshiiska.

Warkan ayaa ku soo beegmaya,xilli dhowaan ay dowladda Imaaraadka Carabtu shirkadda Divers Marine Contracting LLC qandaraas ku siisay mashruuca dhismaha saldhigga oo ku kacaya lacag la sheegay in ay gaarayso $ 90 milyan oo dollar.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland, laakiin wararka la healy ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire uu dowladda Imaaraadka Carabta u diray qoraal uu ku wargelinayo inay hakiyaan wax kasta oo hawlo ah oo ku saabsan saldhigaas oo ay wadaan, waxaana la sheegay in Wasiirku qoraalkiisa ku sheegay in dawladda Somaliland ay dib u eegis ku samaynayso wixii is-faham ahaa ee saldhigaas ku saabsan. Warku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu go’aansatay inay qabsato shirkad caalami ah oo Somaliland kala talisa arrimaha saldhigaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON