Tuesday, June 24, 2025

Somaliland oo heshiisyo cusub la saxiixatay Imaaraadka Carabta [Akhriso Qodobadda]

Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta ayaa la shaaciyay inay kala saxiixdeen heshiis lagu sheegay mid taariikhi ah.

Heshiiska ayaa la sheegay in lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu noqon doono mid wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga Itoobiya iyo Somaliland.

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxiixay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire. Hore ayay shirkado Imaaraadka Carabta ka socda iyo Somaliland u kala saxiixdeen dhowr jeer isla heshiiskan, mana cadda cidda fulineysa inay tahay dowladda imaaraadka iyo shirkad.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON