Maamulka Somaliland ayaa shaacoyay inay isha ku hayaan saldhiga millatari ee Turkigu ka furtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa saxaafadda ugu sheegay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay ildheer kula socon doonaan saldhiga Turkiga.
Wuxuu sheegay inay jawaab uga dhigayaan in si degdeg ah loo furo saldhigii mitariga Imaaraadka Carabta ee magaalada Barbera. “Horta cid waliba meesha ay wax ka helayso way tegaysaa wayna u yeeranaysaa, cidda caddowga kugu ah ee dhibaatada kula rabta, waxa u soo kordha waa inaad ildheer in aad u yeelataa, innaguna saldhig Millatari oo dalka Imaaraadka aynu la galnay ayaa jira hawsha ugu weyn ee aanu ku dhaqaaqaynaanna waa in la dedejiyo furitaankii saldhigga Mllatari ee Berbera.” ayuu yiri wasiirka gaashaanhigga Somaliland.

Wuxuu ka digay inay Soomaaliya ay u hub urursaneyso Somaliland, halkii ay dalkooda dib u dhisi lahaayeen, wuxuuna sheegay inaysan is dhigan doonin oo tallaabo la mida tan Soomaaliya qaaday ay hore u qaadeen.