Saturday, June 28, 2025

Somaliland oo jawaab ka bixisay hanjabaad kasoo yeertay kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yeman

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa jawaab ka bixiyay hanjabaad kasoo yeertay Kooxaha Xuutiyiinta Yemen oo ku  saabsan inay gantaalo ku soo weerari doonaan magaalada Hargeysa.

Wuxuu sheegay in muuqaallo ay ka arkeen baraha bulshada, balse aanay heynin wax rasmi ah oo ka soo bxay kooxda Xuuthiyiinya, isagoo intaas ku daray in heshiiskii ay la galeen Imaaraadka Carabta ee saldhiga milateri ee Berbera ay ogaayeen in wax walba ka imaan karaan.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiskii Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ee saldhigga Milateri lagu siiyay Imaaraadka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, Golaha Wakiilada, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana heshiisku taagan yahay oon waxba iska bedelin.

Wuxuu qiray in howlaha dhismaha mashruuca Saldhigga milateri ee Imaaraadka uu hakad ku yimid, taasina ay tahay mid dhinaca Imaaraadka ka jirta ee aanay iyagu hakin, ayse jiraan qoraallo ay is weydaarsadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON