Monday, June 23, 2025

Somaliland oo joojisay qaxootiga ka imaanaya dalka Yeman

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo ayaa shaaciyay in qaxootiga ka baxsanaya dagaalada ka oogan dalka Yeman aanay imaan karin Somaliland wixii ka danbeeyay maanta 24-ka May 2015 kadib markii uu sShir jiraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa.

warancade

Warancadde ayaa arrintaas sabab uga dhigay  in Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo aduunweynaha ay kula balameen Somaliland in Qaxootigaasi ay ay Somaliland siiso dhul lagu soo dhoweeyo wixii taageero iyo quudin ahna ay Hay’addahaasi bixiyaan, balse ay balantii uga baxeen Somaliland sidaana ay go’aan ku qaateen inaysan ogolaan qaxooti ah oo awoodooda ka baxsan.

Ad

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wuxuu caddeeyayay in  Hay’addaha UN-ka Somaliland ay go’aansatay Joojinta Qaxootiga ka imaanaya Yeman mar haddii aysan wax dhaqaale ah oo dadkaasi lagu taageero u heli karin.

Doontii ugu danbeysay ee timaada Berbera ayaa maanta keentay qaxooti gaaraya 250 ruux oo ka yimid dalka Yemen. Maamulka Hargeysa ayaa tallaabada uu qaaday loo arkaa mid uu cadaadis ku saarayo hay’adaha deeqaha bixiya iyo kuwa Qaramada Midoobay iyadoo diidmo qaxooti ay tahay mid lidi ku ah sharciyada xuquuqda aadmiga aduunka.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON