Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay warar muddooyinkan la isla dhex marayay oo ku saabsan in munaasabadda 18-ka May ee xuska gooni isu taagga Somaliland lagu casuumay madaxweynihii horre ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in warkaas uu been yahay isla markaana aanu jirin wax casuumaad ah oo ay u fidiyeen Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Faroole.
Wasiirka ayaa tilaamay in Somaliland ay ka mamnuuc yihiin siyaasiyiinta Soomaaliya meel ay joogaanba. “Taako kamid ah dhulka Somaliland ma imaankaraan iyaga iyo kuwa dhalasha ahaan kasoo jeeda Somaliland sharciga iyo dastuurka jamhuuriyada Somaliland”ayuu yiri Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Goobjooge.com