Saturday, August 2, 2025

Somaliland oo muddo 25 maalmood ah joojisay Qaadka & kiiska Cudurka Coronavirus oo sii kordhay.

Maamulka Somaliland ayaa muddo 25 maalmood ah amar ku bixisay in la joojiyo ka ganacsiga iyo Qaadka la keeno degaanada maamulkaasi.

Go’aano kasoo baxay Guddiga ka hortaggayo faafitaanka cudurka coronavirus ee Somaliland ayaa lagu sheegay in laga bilaabo Axadda 26-ka Apri ilaa 21- May (Laba maalin ka hor ciddda) la joojiyeya Qaadkii la geyn jiray Maamulkaasi.

Waxaa mudaddaasi la gubi doonaa Qaadka soo gala iyo in sharciga la horgeen cid kasta oo lagu qabto iyadoo qaad soo gelineysa Somaliland.

Dhinac kale kiisaska dadka qaba cudurka Coronavirus ayaa tiradoodu gartay 19 qof, sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Somaliland; waxaana ku kordhay 13 Qof oo cusub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON