Wednesday, July 9, 2025

Somaliland oo shaacisay in Dowladda Itoobiya oo Safiir u magacawday iyo Muuse Biixi oo qaabilay

Dowladda Itoobiya ayaa Wakiilka cusub u magacowday Somaliland, kaasoo lagu magacaabo Amb. Siciid Maxamed Jibriil, ahna Soomaali kasoo jeeda Kilinka Shanaad.

Wakiilka cusub ee Itoobiya ayaa toddobaadkii hore gaaray magaalada Hargeysa, waxaana maanta qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi, iyadoo ka wadahadlay xiriirka labada dhinac.

Danjire Siciid Maxamed Jibriil  ayaa beddelaya Wakiilkii hore ee Dawladda Federaalka Itoobiya u joogay Somaliland Amb. Shamsudiin Axmed Rooble, kaasi oo muddo dheer xilkiisu dhammaady, kana tegay Hargeysa.

War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, uu xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee dawladda Fedearal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil, iyadoo kulanka lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON